1. Hordhac
Ku soo dhawoow Tokiyo Store LLC. Shuruudahaan waxay xukumayaan isticmaalka website-keenahttps://tokiyostore.com iyo dhammaan adeegyada shubashada ciyaaraha ee aan bixino.
Markaad isticmaasho website-ka ama aad order sameyso, waxaad si buuxda u ogolaatay dhammaan qodobada ku qoran heshiiskan.
2. Xogta Shirkadda
Faahfaahinta Shirkadda
Tokiyo Store LLC
1309 Coffeen Avenue STE 1200, Sheridan, Wyoming 82801
United States
Xiriirka Macaamiisha
support@tokiyostore.com
WhatsApp: +252616010749
3. Nooca Adeegyada Aan Bixino
Tokiyo Store waxay bixisaa adeegyo dhijitaal ah oo loogu talagalay ciyaaraha online-ka ah, oo ay ka mid yihiin:
Dhammaan alaabta aan bixino waa dhibco dhijitaal ah oo toos loogu shubo ciyaarta. Wax alaab muuqata ah lama diro.
Dalabka waxaa loo arkaa mid dhameystiran isla marka dhibcaha lagu shubo Player ID-ga aad gelisay.
4. Sameynta Dalabka (Order Placement)
Markaad dalab sameynayso, waxaad xaqiijinaysaa:
Player ID Sax ah
Inaad hubisay nambarka ciyaarta (Player ID) iyo Server-ka ka hor inta aadan lacagta bixin.
Milkiyadda Lacagta
Inaad tahay qofka xaqa u leh nambarka mobile money-ga ee lacagta laga jarayo.
Fahamka Adeegga
Inaad si buuxda u fahamsan tahay alaabta aad iibsanayso iyo qiimaheeda.
5. Xawaaraha Gaarsiinta Dalabka
Waxa toos ah oo 5–10 ilbiriqsi kuugu soo dhacaya: PUBG Mobile UC, Free Fire Diamonds, Blood Strike, Telegram Stars, iyo Xirmooyinka Internetka.
Waxa 10–15 daqiiqo qaadanaya: eFootball Coins, PUBG Korean, Ciwaannada la iibinayo, iyo adeegyada u baahan hubinta maamulka.
6. Qiimaha & Lacagaha
Dhammaan qiimayaasha waxaa lagu xisaabiyaa Doolarka Maraykanka ($ USD). Qiimuhu wuu isbeddeli karaa iyadoo lagu saleynayo suuqa caalamiga ah iyo sicirka shirkadaha ciyaaraha.
Qiimaha kuugu soo baxa shaashadda ugu dambaysa ee lacag bixinta waa qiimaha rasmiga ah ee lagaa jarayo, ma jiraan lacago qarsoon.
7. Qaababka Lacag Bixinta
Waxaan aqbalnaa lacag bixinta tooska ah ee:
Dalabkaagu si toos ah ayuu u bilaabmayaa marka lacagtu xaqiijisanto.
8. Soo Celinta Lacagta (Refund Policy)
Haddii dalabku ku fashilmo cilad farsamo ama server-ka ciyaarta oo xiran, nidaamku si toos ah ayuu 100% lacagtii ugu soo celinayaa Cashback Wallet-kaaga isla markiiba!
9. Joojinta Dalabka
Maadaama dalabaadka tooska ah lagu fuliyo 5–10 ilbiriqsi gudahood, lama joojin karo marka lacag bixintu dhacdo. Dalabaadka gacanta ah ee wali sugaya fulinta waxaad ka codsan kartaa support-ka in la joojiyo.
10. Mas'uuliyadda Macmiilka
- Inaad hubiso saxnaanta Player ID-ga iyo magaca ciyaartoyga ka hor bixinta lacagta.
- Inaad ilaaliso sirta akoonkaaga, nambarkaaga, iyo koodhadhka OTP-ga.
- In ciyaartaadu aysan lahayn xannibaad (Ban) ka hor inta aadan shubasho dalban.
11. Shirkadaha Aan Wada Shaqayno
Waxaan la shaqaynaa shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha (Waafi, E-Dahab, Premier Bank) iyo server-yada ciyaaraha caalamiga ah. Mas'uul kama nihin ciladaha ku yimaada shabakadaha Isgaarsiinta ama server-yada ciyaaraha.
12. Waxyaabaha Reebban
Waxaa gabi ahaanba mamnuuc ah:
13. Da'da Isticmaalka
Adeegyadeena waxaa loogu talagalay dadka da'doodu tahay 13 sano iyo wixii ka weyn. Carruurta ka yar waa inay ogolaansho ka haystaan waalidkood.
14. Helitaanka Adeegga (24/7)
Adeeggeena shubashadu wuxuu shaqeeyaa 24 saac maalintii si toos ah (Automated). Haddii ay dhacdo cilad lama filaan ah ama cusboonaysiin, waxaan ku dadaaleynaa inaan degdeg u xallino.
15. Xadka Mas'uuliyadda
Tokiyo Store LLC mas'uul kama noqon doonto:
- Talaabooyinka iyo xayiraadaha ay shirkadaha ciyaaruhu saaraan ciyaartoyda.
- Isbeddelada ku yimaada shuruucda ama dhibcaha ciyaaraha ee shirkadaha sameeyay.
- Khasaaraha ka dhasha Player ID khalad ah oo uu macmiilku soo galiyay.
16. Xuquuqda Aqoonta & Astaan-ganacsiga
Dhammaan magacyada ciyaaraha (PUBG, Free Fire, eFootball, Blood Strike) iyo astaamahooda waxaa leh shirkadaha iska leh. Tokiyo Store waa goob madax-bannaan oo fududaysa iibsashada dhibcaha.
17. Ganacsatada & Dib u Iibiyeyaasha
Ganacsatada iyo dukaamada doonaya inay wax dib u iibiyaan waxay ka faa'iideysan karaan nidaamka Cashback-ta iyo qiimaha jumlada ah.
18. Xannibaadda Akoonka
Waxaan xaq u leenahay inaan xannibno ama tirtirno akoon kasta oo lagu helo xadgudub, khiyaamo, ama jebinta shuruudaha heshiiskan.
19. Xallinta Khilaafaadka
Wixii cabasho ama cilad ah, fadlan la xiriir kooxdayada WhatsApp ama Email-ka si xal degdeg ah oo hufan loogu helo 24 saac gudahood.
20. Isbeddelka Shuruudaha
Shirkaddu waxay xaq u leedahay inay cusboonaysiiso shuruudahan markii loo baahdo. Isbeddel kasta waxaa lagu soo bandhigi doonaa boggan.
Xiriirka Support-ka
Haddii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan shuruudahan, fadlan nala soo xiriir: